Rooble Oo Isku Diyaarinaaya Safar Sacuudiga Ah

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa laga helayaa Safar Uu qorsheystay Wasiirka 1-aad Ee Xil gaarsiinta Dowladda Federaalka Mr.Rooble uu ku tegi doono maalmahaan Dalka Boqortooyada Sacuudiga, sida ay Warsidaha Diinah.com news u sheegeen ilo wareedyo loo qaateen ah…

Safarka Rooble ayaa la sheegay inuu la xiriiro gudashada Cumrada, iyagoo lagu guda jiro 10-Maalmood Ee ugu dambeeya Bisha Barakeysan Ee Ramadan, Socdaalkaan ayaa ku soo beegmaayo xili uu Dalka ku jiro Qalalaase Siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo uusan so buuxda ula wareegin Hogaaminta amniga iyo Doorashada, waxaana weli Caasimadda isku hor fadhiya Ciidamo kala taabaacsan Garabyada Ku Dagaalamay Magaalada Mogadishu.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka mid ah Dalalka aadka u daneeya Arrimaha Somalia, balse xiriirka kala dhaxeeya Maamulka Fashilmay ee Farmaajo uu gaaray heerkii ugu hooseeyay 4-tii sano ee ugu dambeysa, waxaana lagu sababeeyay in xiriirka dhow oo Farmaajo la yeeshay Maamulka Dooxa, waana gef Siyaasadeed oo horseeday in Somalia ay go’doon ka noqoto Dalalka ku bahoobay Jaamacada Carabta.

116730cookie-checkRooble Oo Isku Diyaarinaaya Safar Sacuudiga Ah