Ma Dhabaa in Villa Somalia ay Oggolaasho Siisay Shirkad UAE Laga Leeyahay iney La Wareegto Dekada Yar ee Garacad..

Somalia news

Warbixin Wel wel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in Hogaanka Fashilmay ee Villa Somalia uu Oggolaasho u saxiixay in Shirkad laga leeyahay Magaalada Abu Dhabi ee Dalka UAE iney la wareegto Dekeda Garacad, waxaana la xaqiijiyay iney Saamigoodu noqon doono 60%, iyadoo Dekedaani ku biiri doonto Dekedaha Berbera, Boosaaso, Kismaayo…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in 3-Million US$ oo Xuquuqul Qalin ay kala qeybsadeen Madaxweynaha Somalia iyo Hogaamiyaha Puntland, Shirkadda ayaa sidoo kale loo saxiixay iney muddo 30-Sano ah Maamusho, waxaana wel wel laga muujiyay in Shirkadaan iyo DP World iney raad ku leeyihiin Ganacsato Yuhuud ah, kuwaasoo dejiyay qorshe Siyaasad-Ganacsi lagu afduubanaayo Dekedaha Bariga Africa iyo kuwa Red Sea si loo hoos geeyo shixnadaha Dekedaha Dubai Port iyo Jabal Ali Port.

Shirkadda Abu Dhabi ayaa balan qaaday iney ku soo kordhin doonto Dekeda Garacad, oo ay Maamuli jirtay Shirkada Wadaagaan, Mashruuca Wadada Garacad-Galdogob via Ethiopia, Dry Port, dhismaha Bakhaaro, Wish-shka Culus & qeybaha ka harsan dhismaha Dekeda, iyadoo la xaqiijiyay in Ganacsatadii Saamileyda aheyd culeys lagu saaray iney saxiixaan Heshisskaan kadibna waxaa meel mariyay iyadoo aan la faahfaahin Golaha Wasiirada lamana horgeyn doono Baarlamaanka Somalia.

Su’aasha ayaa ah maxey Villa Somalia ku bedelatay oggoloshaaha Heshiiskaan.!!?

337410cookie-checkMa Dhabaa in Villa Somalia ay Oggolaasho Siisay Shirkad UAE Laga Leeyahay iney La Wareegto Dekada Yar ee Garacad..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com