Rasaas iyo Fiyuusyo Loo waday Xuutiyiinta iyo Shababka oo la qabtay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay ka fuliyeen Ciidamada Badda USA xeebaha kulaala Somalia 1-million oo noocyada Rasaasta ah iyo Tiro badan oo fiyuusyada Gantaalada iyo qaraxyada loo isticmaalo, iyadoo laga soo daabulay Markab Kaluumeysi…

Sida laga soo xigtay Takiska Ciidamada USA, Saanadaan ayaa siday Markab kaluumeysi oo laga leeyahay Dalka Iran wuxuuna ku sii jiidat Dalalka Somalia iyo Yemen, iyadoo shixnadaan iyo Eedeysanayaasha la qabtay ay weli ku socoto baaris, sida ay sheegeen Taliska Ciidamada Mareykanka ee fariisinkoodu yahay Dalka Bahrein .

Wararka ayaa sheegay in Markabkaan la qabtay maalintii Khamiista aheyd wuxuu siday 7.000 oo Fiyuus, in ka badan 2,100 Kiilogaraam oo hawo-mareen ah oo loo adeegsado Gabtaalada garbaga (bazooke-7), sidoo kale bishii tagtay ayeey Ciidamada USA qabteen dooni hub siday isla markaasna ay burburiyeen.

229200cookie-checkRasaas iyo Fiyuusyo Loo waday Xuutiyiinta iyo Shababka oo la qabtay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com