Maxaa Ka Dhalan Kara Isku Dheelitir La’aanta Saami Qeybsiga Beelaha Ee  Xilalka Dowladda

Somalia news

Tan iyo markii lagu soo dhisay Shirarkii Carta & Imbaghati Awood Bidaamka Dowladeed ee ku dhisan Awood-qeybsiga Xilalka Dowlada, wuxuu inta badan salka ku hayay wadaag siman 4,5, iyadoo tixgelin la siiyo Degaanka, Beelaha iyo Khibradda (meritocracy), 2-da hore waa sida metelaadu tahay halka kan dambe u yahay sida uu ku haboon yahay….

Hogaamiyayaasha ku guuleysta Xilka Villa Somalia, waxey ku qiimeeyaan Wasaaradaha iyo Hey’adaha Amaanka derajooyin kala hooseeya sida (A-B-C), kuwa (A) ah, waxaa ka mid ah Wasaaradaha Maaliyada, Arrimaha Gudaha iyo Dibeda, Amniga, Shidaalka & Macdenta.

Halka Wasaaradaha qaabilsan Wax soo saarka, Shaqo abuurka iyo Hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha sida Beeraha, Kaluunka, Shaqada iyo Dastuurka, marka laga yimaado Wasaaradahaan waxqeybsiga si siman (4,5) ayaa haddana waxaa laga maarmaan ah in si siman oo ku dhisan Nidaamkaan wax ku qeybsadaan Beelaha, Dad badan ayaa qirsan in Madaxweynaha uu is moogeysiinaayo inuu ku yimid Xulasho Beeleed isla markaasna u beelo sadbursi u sameeyay halka kuwa kale uu qadiyay, Cadaalad darradaasina ay horseeday in kalsoonidii lagala laabto.

Waxaa jira Wasaarado bixiya Adeeg sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo Garsoorka, Garoomada Diyaaradaha iyo Dekedaha, waxaana laga maarmaan ah in la ilaaliyo isku dheelitirka awood qeybsiga, si xasilooni siyaasadeed loo gaaro (Political Stability), una fududaato qori isku dhiibka Talada Dalka, inkastoo Hogaanka xiligaan Villa Somalia uu u soo xusho Kaadiriin Ururkiisa ah iyo midka Daljir uuna ku hubsado Xilalka Dowlada meelna uga dhaco Saami qeybsiga 4,5.

257530cookie-checkMaxaa Ka Dhalan Kara Isku Dheelitir La’aanta Saami Qeybsiga Beelaha Ee  Xilalka Dowladda
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com