Share the post "Ma Dhabaa In Villa Somalia Ay Oggolaatay Iney Bixiyaan Magta Marxuumada"
Kadib markii Dhawaaqyo badan oo Bulshada Soomaaliyeed oo is biirsaday ay dalbadeen in Afduubka iyo Dilka Ikraan Tahliil loo saaro Guddi ka Madax Banaan Dowladda Federaalka iyo Hey’addaha Amaanka, ayaa hadda la sheegay in Farmaajo uu oggolaaday in La dhiso Guddigaasi..
Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Kulan shalay dhex maray Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo iyo Wasiirka 1-aad ee Xil gaarsiinta Rooble ay isla meel dhigeen in Guddi Madax banaan loo saaro baarista Kiiska Ikraan Tahliil kuwaasoo ay ku jiraan khubaro Caalami ah.
Dhanka kale, waxaa si hoose u socda Waan-waan lagu sii deynaayo Tiro Muwaadiniin ah oo ka soo jeeda Beesha Fahad Yasin kuwaasoo laga afduubtay Magaalada B/weyne, dadaaladaan ayaa laga muujiyay in laga miro dhaliyo, sidoo kale Villa Somalia Ayaa oggolaatay iney bixiyaan magta Ikraan Tahliil inkastoo (Ehelada) ay ka diideen isla markaasna ay dalbadeen in marka Hore Baaris lagu sameeyo Kiiska afduubka iyo Dilka Marxuumada.