Ma Dhabaa in 2-da Haweenka ee Danjirayaasha loogu kala Magacaabay Midowga Europe & UK..

Somalia news

Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka ayaa kulankoodi Toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10-Danjire oo Somalia uga howlgeli doona qaar kamid ah Dalalka Caalamka, iyadoo 5- ka mid ah Danjirayaashani ay ka soo jeedaan Beelaha Daarood, gaar ahaan Majeerteen iyo Ogaadeen, Halka labo ka mid ah waa Hawiye, labo kale waa Dir, iyadoo Xubinta kale uu ka soo jeedo Beelaha shanaad.

Danjirayaasha cusub iyo Beelaha:

-Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane) waa Daarood Majeerteen.

-Cali Cabdi Awaare, waa Daarood Majeerteen.

-Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi, waa Daarood Majeerteen.

-Bashiir Xasan Xaaji, waa Daarood Dhulbahante.

-Xuseen Cabdi Xalane, waa Daarood Ogaadeen.

-Khadiija Cosoble Cali, waa Hawiye Abgaal. Danjiraha Midowga Europe iyo Belgium.

-Fathudin Cali Maxamed, waa Hawiye Xawaadle.

-Khadra A Dualle, waa Dir Isaaq. Danjiraha UK.

-Ridwan Xirsi Maxamed, waa Dir Isaaq.

-Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf), waa beelaha 5-aad Banaadiri.

306900cookie-checkMa Dhabaa in 2-da Haweenka ee Danjirayaasha loogu kala Magacaabay Midowga Europe & UK..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com