Ma Dhabaa in Wakiilada Dalalka Reer ee Somalia ay Ashtako ka Gudbiyeen Wasiirka 1-aad ee Dowladda..

Somalia news

Inkastoo Aduunka haatan uu ku jiri marxalad kala guur ah oo Saameyntii iyo awoodii Dalalka Reer Galbeedka ay hoos u sii dhaceysa sababo la xiriira Siyaasad xumadooda iyo fara gelinta joogtada ah ee ay ku hayaan Dalalka soo koraaya, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in in Wakiilada Dalalkaasi ay ashtako ka ku gudbiyeen Mr.Xamse Cabdi Barre…

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Wakiilada Dalalka Reer Galbeedka ay ashtako u gudbiyeen Madaxtooyada Somalia, iyagoo ku eedeeyay inuu si cad u taageeray Halganka wax iska dhicinta ee Shacbiga Falaatiin oo muddo 9-Bilood ah xasuuq ay ku hayaan Ciidamada Israel gaar ahaan magaalada Gaza oo 90% ay burburiyeen, taasoo ka baxsan Xeerarka Caalamiga ah.

Wakiilka USA oo Todobaadkaan la kulmay Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka ayaan ku soo qaadin ashtakada balse kala hadlay Qodobo kale, Wararka ayaa sheegay in Madaxtooyada Villa Somalia loo gudbiyay in cabashada dhanka ka ah Wasiirka 1-aad, iyagoo ku goodiyay iney dhaqaalaha ka joojin doonaan hadii aan wax laga qaban ashtakadooda isla markaasna culeysyo ku saari doonaan Xulafadooda Carabta.

Aduunkaan isbedel ayaa ku socda Hogaanka Villa Somalia waxaa la gudboon inuusan u dhego nuglaan Baaqyada culeys saarka ah ee Dalalka Reer Galbeedka, inkastoo Dhaqaalaha iyo arrimaha Amniga ay ka taageeraan hadana looma dul qaadan karo iney Somalia u meeeriyaan Siyaasadahooda gurcan ee ku dhisan afkaarta Gumeysiga.

333700cookie-checkMa Dhabaa in Wakiilada Dalalka Reer ee Somalia ay Ashtako ka Gudbiyeen Wasiirka 1-aad ee Dowladda..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *