Qarax Ka Dhacay Magaalada Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah aaa laga helayaa qarax saakay ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Hodan Ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka soo baxayaan warar la xiriira khasaare ka dhashay Qaraxaasi….

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, wuxuuna ka dhacay Wadada Dugisgii Benadir iyo Dugsiga Xamar Sare ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxa lala beegsaday Gaadiid ay iska leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta Soomaaliyeed oo ku socdaalayey wadadaasi oo isku xirto isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan Qof oo ahaa wade mooto Bajaaj ayaa ku geeriyooday qaraxaasi, iyadoo ay dhaawacmeen 5 askari oo ka mid ah ciidamada qaraxa lala eegtay.

85140cookie-checkQarax Ka Dhacay Magaalada Mogadishu