Doodda ka Taagan Isbadalka & Kordhinta Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho

Somalia news

Maamulka Villa Somalia ayaa Canshuur dheeraad ah kusoo rogtay Ganacsatada kala soo dega badeecadaha kala duwan Dekeda Magaalada Mogadishu, Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa aad uga soo horjeysteen canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay Ganacsatada Gobolka oo kaliya…

“Waxaan ka codsaneynaa Wasaaradda Maaliyadda in Canshuuraha xad dhaafka ee sida gaarka dusha looga saaray ganacsatada Gobolka Banaadir ay dib u eegis ku sameeyso maadaama ay Shirkado waaweyn oo ganacsi ay kaceen iyadoo oo ay isku biirsatay Duruufaha dhaqaala xumada ee wadanka ka jirtaa, Baadka Kooxaha Argagixisada oo weli halistooda taagan tahay iyo Canshuuraha xad dhaafka ee Dekeda Muqdisho looga qaado iyo Canshuuraadka kale ee hada dusha laga saaray Ganacsatada Muqdisho” Ayuu yiri Mid ka mid ah Ganacsatada Gobolka oo magaciisa ka gaabsaday in la xuso.

Iyagoo ugu baaqeynaa Wasaarada Maaliyada in ay si ku mid ah oo loo wada siman yahay uga qaado Canshuuraha dhamaan Ganacsatada Soomaaliyeed lagana daayo Ganacsatada Gobolka Banaadir Culeyska Canshuureed ee sida gaarka ah loogu haayo, Ganacsatada ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Madaxda Dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, iney soo fara-geliyaan arintaan waxna laga qabto dhibaatada haysatada Ganacsatada Gobolka Banaadir.

254780cookie-checkDoodda ka Taagan Isbadalka & Kordhinta Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho