Ma Dhabaa in Weerarada & Ugaarsiga lagu hayo Soomaalida ee Nairobi ay Kordheen..

Africa News Somalia news

Warbixin Amaan ayaa daaha ka rogeysa in bilihii ugu ay aad u kordheen weerarada iyo ugaarsiga afduubka xambaarsan ee lagu hayo Soomaalida, iyadoo falalkaan qaarkood lagu eedeeyay iney ka dambeeyaan Hey’adaha Amaanka iyo Kooxo burcad hubeysan oo Kenyan ah…

Wararka ayaa sheegaya in Laba qof oo Soomaali ah ayaa laga qafaashay abaare ee shalay 6.00 galabnimo, iyadoo Soomaalida lagu qaaday gaari noociisu iyo sumadiisu tahay Silver Prado KCP 048M, Falka afduubka ayaa ka dhacay waddada Jabavu una dhow Saldhigga Boliiska ee Xaafada Kilimani, Magaalada Nairobi ayaa falalka afduubka waxay noqonayaan kuwo joogto ah.

Talaabadani iyo kuwo bilihii ugu dambeeyay dhacaayay ayaa lagu tilmaamay mid la xiriirtaa ficilada looga soo horjeeda ee Ganacsatada iyo Qurbajoogta Soomaalida, waxaana loo badinayaa in Ficiladaan ay yihiin kuwo abaabulan oo lagu doonaayo in lagu cabsi geliyo Ganacsatada Soomaalida oo sanadihii ugu dambeeyay aad u waday Maalgelin iyo horumarin ganacsi Dalka Kenya.

330520cookie-checkMa Dhabaa in Weerarada & Ugaarsiga lagu hayo Soomaalida ee Nairobi ay Kordheen..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *