Maxaa Dhabaa in Villa Somalia ay Culeys ku Saareyso Odayaasha Gobolka Sool iney La Farsiistaan Somaliland..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegeysa in Hogaanka Villa Somalia ay culeys ku saareyso Garaadada iyo Waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Sool iney la fariistaan, Maamulka Muuse Biixi si loo dhameeyo Dagaalka iyo xaduuqa ay wadaan Maleeshiyaadka Beesha Isaaq…

Xogtaan ayaa sheegtay in Maamulka Xasan Sheekh oo muddo maalmo ah kulamo la lahaa Ergada ka timid Magaalada Laas casnood, waxeyna hordhigeen qodobo ay ka mid yihiin iney damaanad qaadayaan in laga saaraayo Maleeshiyaadka Beesha Isaaq ee ku sugan, “Anagaa ballan-qaadayna in ay Gooja-cade ka baxayaan”.

Ujeedka Culeyskaan ayaa lagu fasiray inuu ka dambeeyo Madaxweynaha Djibouti oo hub iyo Saanad Ciidan ku taageeray Maamulka Hargeysa, ku darsoo Hogaanka Villa Somalia ayaa dooneysa iney Caalamka iyo Soomaalidaba u muujiyaan la tuso in Gobolka Sool uu ka mid Degaanada Somaliland.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu ka balanqaaday Mr.Geelle inuu u sharciyeeyo hadalkii Muuse Biixi ee ahaa..”Halaysku kaaya daayo Anaga reer SL, ayaa wada hadlayna”, “Dowlada SL waxay diyaar utahay in wixii tabasho ah ay ka dhagaysato reer Sool oo ay yihiin Dadkeedii”, Garaadadu haddii ay aqbalaan, iyadoon Gooja-cade aysan ka bixin Maleeshiyaadka Beesha SNM wada hadal, waxay meel uga dhacaan Dadkii u Geeriyooday halgankii meesha sare marayay.

258710cookie-checkMaxaa Dhabaa in Villa Somalia ay Culeys ku Saareyso Odayaasha Gobolka Sool iney La Farsiistaan Somaliland..