Tartanka Xilka Gudoomiyaha Bangiga Dhexe & Dhinacyada Isku Haya..

Somalia news

Maanta waxaa ku eg mudadii xileedkii 4ta sano ahayd ee xilka Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Somalia, waxaana soo shaac baxaaya Tartan iyo xusul duub ay ugu jiraan Siyaasiyiin iyo Xubno ka soo jeeda degaanada Koonfur galbeed in Guddoomiyaha Bankiga Dhexe loo magacaabo, ayaan darrse Xulashadaan ayaan aqoon loo fiirin doonin..

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo tiro Wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda RW xamse ayaa dadaal ugu jiro in saami-qaybsiga kaga maqan Dowladda la saxo oo lana soo celiyo isla markaana loo magacaabo qof kasoo jeedo Koonfur Galbeed in uu noqdo qofka beddelo Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somalia.

Dhanka kale, waxaa ololahaasi dadaalo u galay Siyaasiyiinta ka soo jeeda Maamulka Puntland loo balanqaaday in loo magacaabo Hey’adaha Madaxa banaan oo la mid ah Bankiga oo ay ugu horeeyso Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Hay’adda Warbixinada Maaliyadda oo loo yaqaano FRC oo laga yaabo in loo magacaabo qof kasoo jeedo Gobolka Sool iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka ama Hay’adda socdaalka iyo kuwo kale.

Gudoomiyaha Muddo Xileedka ka dhamaaday oo hore ula soo shaqeeyay Maamulkii Farmaajo oo ay Siyaasada aad ugu kala fog yihiin kooxda Damu Jadiid oo xiligaan ka arrimisa Madaxtooyada ayaa ka quustay isku dayo uu kusii joogayo iyo sababo yaab leh oo uu sheegay sida iney muhiim tahay in uu sii ahaado Guddoomiyaha Bankiga si uu uga sii shaqeeyo deyn cafinta iyo dabaacadda lacagaha cusub oo uu mudadii 4/ta sanno ahayd uu wax badan ka qabanin.

249680cookie-checkTartanka Xilka Gudoomiyaha Bangiga Dhexe & Dhinacyada Isku Haya..