Hannaanka awood qeybsiga siyaasada Ee Beelaha oo la baal maray 

Somalia news

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee fadhisa Villa Soomaaliya, muddo sii horeysay dejiyay siyaasad lagu boobaayo kuraasta beelaha wuxuuna dhaawacay, hannaankii awood qeybsiga Beelaha ee Dalka, ee isku hayey dadka Soomaalida, isagoo u boobay dad aanay raalli ka ahayn Beeluhu…

Ilo waree ayaa xawiijiyay in Farmaajo, Qorqor, Lafta gareen iyo Eedeysane Fahad, waxey kuraasta Golaha Shacbiga u xoogeen, shaqsiyaad iyaga u shaqeeya, kuwaasoo aanay raalli ka ahayn, beelaha leh kuraasta loo boobay, tusaale ahaan Saamigii Beesha Waceysle oo dhamaa 4-Xubnood (Senator & 3-Xildhibaan) ayaa la dhacay.

Inta badan Beelaha Soomaaliyeed, oo cabashadaan warbaahinta la wadaagay, ayaa xusay in Barlamaanka 11-aad, ay fadhiyaan shaqsiyaad aan iyaga matalin, oo magacooda lagu siiyey kuraas, taas oo ah caqab aad u weyn, halka Xubnahaan cusub qaarkood la sheegay in lagu tuhmaayo iney ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada.

Aqoonyahannada falanqeeya arrimaha siyaasadda gudaha Dalka ayaa sheegaya in arrintan ay horseedi karto, dib ugu lasbasho dagaal sokeeye, maaddaama Beelaha Dalka qaarkood, kuraastooda lagu fariisiyey dad aan lagala tashan, taasoo u dhiganta in aysan wax matalaad ah ku lahayn, Baarlamaanka soo socda.

171290cookie-checkHannaanka awood qeybsiga siyaasada Ee Beelaha oo la baal maray