Ma Dhabaa In Wiil uu Dhalay Wasiir Beyle Lagu Xiray Hargeysa

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Olole balaaran oo siyaasiyiinta iyo Qaar ka mid ah Bulshada Somaliland ay ku bartilmaameedsanayaan Xubno iyo Dhalinyaro ka soo jeeda Beelaha Dega Bari Sanaag iyo Degmooyinka Boorame iyo Lughaya….

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in bilihii ugu dambeeyay ay aad u kordheen beegsiga iyo ugaarsiga Xubno Dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay iney soo xireen Calanka Soomaaliyeed, isla markaasna lagu dhibaateeyay aragtidoodu shaqsiga ah, halka kuwo kale la sheegay in hanjabaado joogto ah lagu hayo kuwaasoo dembiyada ay galeen ay tahay iney Waalidkood uu Wasiir ka yahay Dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegay Wasiirka Maaliyada Mr.Cabdiraxman Ducaale Beyle oo tiro dhismayaal Ganacsi ah ku leh Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorame wiilkiisa loo xiray inuu taageersan yahay Soomaali weyn, halka Qarabaada Ra’isul wasaare kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee ku sugan Hargeysa laga talo geliyo Gooni isutaaga Maamulka Muuse Biixi.

Sidoo kale Xildhibaanadii Bariga Sanaag (Warsangeli) la sheegay (5-Xildhibaan), ay qaateen Beesha Habarjeclo, gaar ahaan Garabka Maxamed Xaashi, talaabooyinkaan bartilmaameedsiga ah ayaa u muuda kuwo khatar gelin kara Heshiiskii ay beelaha Waqooyiga ku gaareen Magaalada Burco.

127740cookie-checkMa Dhabaa In Wiil uu Dhalay Wasiir Beyle Lagu Xiray Hargeysa