Farmaajo Oo Saraakiil Beeshiisa U Diray Gobolka Gedo

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Horjooge Cabdullahi Kulane alias (Jiis Mareexaan) oo ku magacaaban ku xigeenka Agaasimaha NISA ayaa safar Qarsoodi ku tagay degmada Luuq, isagoo ay wehliyaan Saraakiil beeshiisa…

Xogtaan oo laga soo xigtay ilo muhiim ah ayaa ku fasiray safarka qarsoodiga ah ee Jiis-mareexaan inuu salka ku hayo sidii loo abaabuli lahaa Ciidamo gaar ah oo ilaaliya Doorashada, wuxuuna safarkiisa ugu horeeyay ka bilaabay degmada Luuq, isagoo kulamo la yeelan doona Odayaasha Dhaqanka ee Jufooyinka Beesha Mareexaan iyo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia.

Dhinaca kale, waxa isla shalay Garoonka degmada Luuq kasoo degtay diyaarad kale oo waday Mas’uuliyiin katirsan maamulka Gobolka Gedo oo kala ah Madaxa NISA u qabilsan Gobolka Gedo Cabdiraxman Cabdullahi iyo Bakaal Kooke oo ah madaxa Ciidamada xasilinta ee Gobolka Gedo.

Lama ogow ujeeda laga leyahay safarka Qarsoodiga ay masuuliyinta ku tagen Gobolka Gedo, balse ilo xogogal ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Cabdullahi Kulane iyo Bakaal Kooke ay ku wajahan yihiin Magaalada Garbaharay.

127700cookie-checkFarmaajo Oo Saraakiil Beeshiisa U Diray Gobolka Gedo