Xabsiga Magaalada Dhexe Garoowe Oo laga Jartay Korontadii…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe Xarunta Puntland ayaa sheegaya in Xabsiga Dhexe ee Magaalada oo ay ku xiran yihiin tiro badan oo Maxaabiis ah laga jartay Korontadii kadib markii muddo dhowr bilood ah aan la bixin Biilkii…

Maamulka Xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe oo ka warbixiyey xaaladda Maxaabiista ee Xabsiga ku xiran ayaa waxey sheegeen in aanay helin bilooyinki u dambeeyay miisaaniyadda quudinta Maxaabista iyo Xuquuqda kale ee Ciidanka Asluubta, Waxaana go’an Korantada iyo biyaha xabsiga oo gabaabsi ah.

Guddi Kormeer oo ka socda Xafiiska Difaaca Xuquuqda Aadanaha ee Puntland (XDXAP) oo booqday Xabsiga dhexe ayaa waraysiyo kala duwan la yeesheen maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Garoowe, oo ka warbixiyey duruufaha adag ee ay ku sugan yihiin sida;- Caafimaad darro, Nafaqa darro, Koronto la’aan iyo Adeegyada kale ee aasaasiga ah.

264620cookie-checkXabsiga Magaalada Dhexe Garoowe Oo laga Jartay Korontadii…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com