Ma Dhabaa In Xildhibaanadii Uu Diyaarsaday Farmaajo La Kala Diray

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Tiro badan Oo Xubno Musharixiin Xildhibaano Federaalka ah oo Maamulka Fashilmay Farmaajo u diyaaraaday iney ka mid noqdaan laga saaray Hoteeladii ay degenaayeen…

Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Xubnahaan oo tiradoodu lagu sheegay 190-Xubnood kuwaasoo laga soo uruuriyay Beelaha Soomaaliyeed, isla markaasna ka tirsan Xoogaga Wadaniyiinta iyo Taageerayaasha jidbeysan isla markaasna la dejiyay Hoteelada Magaalada Mogadishu, iyadoo kharashk ku baxaaya ay iska kaashanaayeen Madaxtooyada, NISA iyo Gobolka Benadir.

Wararka ayaa sheegaya in Xubnahaan qaarkood xitaa loo Diiday in la siiyo Dhaqaale sahay safar ah, ayaa bilaabay iney Qaraabadooda weydiistaan in dhaqaale loo soo diro si ay dib ugu laabtaan Degaanada ay ka soo jeedaan, waana Ayaan darro in Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo in dib ugu celin waayo Kooxdaan ku dhibaateysan Magaalada Mogadishu.

109610cookie-checkMa Dhabaa In Xildhibaanadii Uu Diyaarsaday Farmaajo La Kala Diray