Share the post "Maamulka Deni Oo Diiday iney ka Hadlaan Xaalada Amniga Qaranka ee ku Gedaaman Raadadka ee Boosaaso"
Waxaa aad u soo kordhaaya walaaca laga muujinaayo xaalada Amniga Qaranka ee ku gedaaman Raadarka ay UAE & Israel ku rakibeen Garoonka Diyaaradaha, iyadoo Maamulka Deni iyo Hagaanka fashilmay ee Villa Somalia ay gaabsadeen iney Shacbiga Soomaaliyeed la wadagaan..
Sida laga soo xigtay Mareegtada (Webside-ka) Middeeasteye oo xiriir wareysi la sameeyay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Cabdinuur, oo ay la xiriireen si wax looga weydiiyo arrintan, si wax looga weydiiyo khataraha Amni ee Raadarka lagu rakibay Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso iyo Diyaaradaha joogtada uga soo degto xiliga habeenkii Garoonkaasi kuwaasoo ku sii jeeda Dalka Sudan ayaa diiday inuu ka hadlo.
Xuuraano loo qaateen ayaa xaqiijinaaya in Mr.Deni uusan ka helin oggolaansho Dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka Puntland arrinta ku saabsan Raadarka la sheegay in lagu rakibay Boosaaso, talaabadaan oo meel ka dhac ku ah Qaranimada Somalia, waana heshiis hoose oo iskiis u galay khiyaano Qaran, xadgudubna ku ah Dastuurka iyo Shuruucda dalka u degsan.
Waxaa sidoo kale lasoo wariyay in ciidamo Colombian ah la keenay garoonka Boosaaso si looga sii daabulo dalka Suudaan, iyadoo aan la ogeyn cidda siisay dal ku galka, maadaama aysan Dowladda Federaalka qayb ku lahayn howlahan, Sawir satelayt ah oo la qaaday 5-tii Maarso ayaa muujinaya diyaarad milatari oo taagan garoonka Boosaaso, taasoo sii xoojisay shakiga jirta ee ku saabsan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo qarsoon.