Muuse Biixi Oo Qorshe Isku Dhex Karis ah ah u Dejiyay Degaanada Gobolka Sool & Cabsida Maamulka SSC…

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya Hogaamiyaha Degaanada Waqooyiga Somalia Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu diyaariyay Qorshe isku dhex karis ah oo uu Dagaal iyo Nabadeyn isugu jira degaanada Gobolka Sool, isagoo weydistay Dowlada Ethiopia iney gacan ka siiso sidii loo fulin lahaa Qorahahaasi..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Muuse Biixi Madaxweynaha maamulka Somaliland uu Maleeshiyaad xoojin ah geeyay Degaanka Oog, iyadoo la filayo iney weeraraan dhawaan Xoogaga SSC, Falanqeeye ku sugan Hargeysa ayaa soo bandhigay laba qodob oo muhiim u ah istiraatijiyadda colaad & Xasarad abuurka Mr.Biixi si doorashada dib mar kale loo dhigo.

Mr.Biixi ayaa khilaafyada & Colaadaha uga faa’iideysanaayacka soo kabashada dib u dhaca doorashada, waxaana daliil u ah wada-hadalladii uu la yeeshay Gudoomiye Yaasiin Faratoon, oo ku dhawaaqay Khilaaf aan la xallin oo caqabad ku yihiin qabashada doorashada, Muuse Biixi Cabdi wuxuu wajahayaa rajo yari oo dib-u-doorashadiisa ah, balse Ololahiisa wuxuu dabada ka riixayaa sheeko uu ku eedaynayo Xisbiga Wadani iyo taageerayaashiisa guul-darradii Xoogaga Somaliland ku soo gaarteen dagaalkii Degaanka Goojacadde August 2023.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Mr.Biixi uu yaqiinsan yahay in Maamulka Puntland uu caqabad ku yahay hirgelinta Qorshihiisa dib u qabsashada Gobolka Sool, wuxuuna weydistay Saraakiisha Surdoonada Ethiopia iyo UAE iney culeys ku saaraan Maamulka Garoowe iney Xoogagooda hubeysan kala baxaan Degaanadaasi, si ay ugu fududaato iney qabsado.

Halka Hogaamiyaha SSC Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) ayaa ka cabsi qaba in xiriir dhow oo lala yeesho Puntland ay fashil ku tahay rabitaanka Dadka Degaanka & Maamulkiisa, Firdhiye ayaa ka warwareegaaya inuu aqbalo kaalmada miisaaniyada Puntland sababo la xiriira maqaamka SSC ee gudaha Puntland marka loo eego shuruucda doorashada Federaalka.

324070cookie-checkMuuse Biixi Oo Qorshe Isku Dhex Karis ah ah u Dejiyay Degaanada Gobolka Sool & Cabsida Maamulka SSC…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *