Agaasimaha Sirdoonka Turkiga oo Ka soo Degay Garoonka Diyaaradaha Mogadishu..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa Safar shaqo oo uu Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga Ibrahim Kalin uu maanta ku yimid magaalada Muqdisho, iyadoo la filayaa inuu la kulmo Hogaanka Dalka iyo Agaasimaha Sirdoonka NISA..

Wararka ayaa sheegaya in Safarka Agaasimaha Sirdoonka Turkiga ayaa wuxuu daaran yahay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Sirdoon ee Turkiga & Somalia, iyadoo ay qeyb ka tahay la dagaalanka Argagixisada, oo uu Turkiga si weyn ugu taageerayo dowladda Somalia, iyadoo Saraakiil ka tirsan Hey’ada Turkiga ay qeyb ka yihiin Howlgalada ka dhanka ah Kooxda Argagixisada Shababka.

bilihii uga dambeeyay waxaa sii kordhaayay xiriirka iskaashi ee Dalalka Turkiga & Somalia, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Sirdoonka Turkiga oo haatan Xafiisyo ku leh garoonka diyaaradaha lagu wado in la balaariyo lagana furo Gobolada Qaarkood gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabelle.

324340cookie-checkAgaasimaha Sirdoonka Turkiga oo Ka soo Degay Garoonka Diyaaradaha Mogadishu..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *