Wasiirka 1-aad Oo Wada Hadal La Yeeshay Xildhibaanad Ilhaan Cumar…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada New york ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Wasiirka 1-aad Dowlada Federaalka Mr.Xamse Cabdi Barre ayaa ayaa magaalada New York ku qaabilay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Dalka Maraykanka…

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mudane Xamse uu magaalada New York ku qaabilay xildhibaan Ilhaan oo salaan ugu timid Ra’iisul wasaaraha.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ra’iisul wasaare Xamse iyo marwo Ilhaan Cumar ay ka wada-hadleen xaaladda guud ee Somalia gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

“Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Somalia gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

“Waxaa sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Somalia” ayuu sii raaciyay warka ka aoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

277760cookie-checkWasiirka 1-aad Oo Wada Hadal La Yeeshay Xildhibaanad Ilhaan Cumar…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com