Maamulka Falaagada Taiwan, ayaa si adag u Cambaareeyay Warar ay baahisay Warbaahinta Shiinaha, gaar ahaan Wargeyska Global Times, kaasoo qoray War-bixin uu ku sheegayo in Taiwan ay laaluushtay qeybaha Siyaasiyiinta Maamulka gooni goosiga Somaliland…
Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maamulka Taiwan, ayaa sheegtay inay been abuur yihiin oo ku saabsan in Xisbiga Horumarinta Dimuqraadiga (DPP) ee xukuma dalka Taiwan uu laaluush siiyey siyaasiyiinta degaanka Somaliland, si uu xiriirka u sii jiro, iyadoo labada Maamul ay kuwo ka falaagoobay Dowladaha China iyo Somalia.
Afhayeenka Arrimaha Dibedda ee 🇹🇼 Mrs.Joanne Ou oo War-saxaafadeed soo saartay, ayaa inaan waxba ka jirin Warka uu baahiyey Global Times ee sheegaya in Taiwan laaluushtay Siyaasiyiinta Somaliland, balse markii ay Taiwan iyo Somaliland is-dhaafsadeen xafiisyadooda diblamaasiyadeed ay labada maamul ay bilaabeen mashaariic iskaashi, sida Beeraha, Tiknoolajiyadda, Waxbarashada, Daawooyinka, si kor loogu qaado nolosha dadka degaanka.