Madaxweynaha Somalia Oo Lagu Wado Inuu Dalka Kenya Booqdo Horaanta Bisha Luuliyo

Africa News Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Villa Somalia oo maalmahaan kulamo qarsoodi ah la yeesheen dhigooda Kenya, isla markaasna la isku afgartay Booqashada Madaxweynaha Somalia uu ku tegi doono magaalada Nairobi horaantan bisha soo socota…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Madaxweynaha Somalia uu booqasho rasmi ah ku tagi doono magaalada Nairobi 4-5 Bisha Luuliyo, waxaana lagu heshiiyay in Habmaamuus heer sare ah lagu soo dhaweyn doono loona ridi doono 21-Madfac-sharafeed, Iyadoo lagu wado in Madaxweynaha dhigiisa Kenya uu la saxiixan doono dhowr Heshiis oo uu ku jiro Dalku galada, Ganacsiga Qaadka iyo ku biiritaanka Ururka (EEC).

Khabiiro Soomaaliyeed badan ayaa ka welwelsan degdegta iyo fudeydka ka muuqda qorshaha Safarka Madaxweynaha, iyadoo marka hore loo baahnaa in Kenya Jawaabo cad ka bixido dhaqanka hooseeya ee Diblomaasiyadeeda ku aadan fara gelinta joogtada ah ee arrimaha gudaha Somalia, sidoo kale Kenya oo 15- sano ah isbaaro u dhigatay in Somalia ku biirto suuqa Bariga iyo Bartamaha Africa.

Somalia waligeed waxey la jaan qaadi jirtay Hadafkeeda iyo mudnaanta danaheeda ay ka leedahay Ururo Goboleedyada Africa, waana khalad in Siyaasiyiinta Xiligaan ee Danleyda ah ay Shacbiga ku maaweeliyaan Ku biiritaanka xubinimada Suuqa EEC iyo fududeynta Visaha, marka ay muuqato iney wax u dhimeyso Midnimada iyo Wadajirka, hadii ay Madaxda Soomaalida ay Maskaxdooda ka shaqeeyaan, “waxey ila tahay in Kenyanku xiligaan Somalia uga baahi badan yihiin inta ay Somalia u baahan tahay Kenya” sidaas waxaa yiri Aqoonyahan.

196320cookie-checkMadaxweynaha Somalia Oo Lagu Wado Inuu Dalka Kenya Booqdo Horaanta Bisha Luuliyo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

3 thoughts on “Madaxweynaha Somalia Oo Lagu Wado Inuu Dalka Kenya Booqdo Horaanta Bisha Luuliyo

  1. Runtii Waa wax laga xumaado in Siyaasada Muufeysiga Somalia xiligaan ay u afduuban tahay Kooxo Shaati-Diimeed huwan oo isku koobay mustaqbalka Dalka

  2. Waa xaqiiq in Dalkaan muddo 13-sano ah kooxo Diimeed oo jaakado soo xirtay isla markaasna aan Siyaasada u bilowneen ay sharafkii iyo Heylkalkii dowladnimo la dageen, “Amuuraha Allah sahlo”

Comments are closed.