Maamulka Garoowe Oo ka Horyimid Qorshe lagu Mideynaayo Diwaagelinta Barakacayaasha..

Domestic News Security Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa qorshe ay Dowlada Federaalka ku dooneysay iney ku mideyso Diiwaangelinta Dadka Barakacayaasha gudaha (IDPs) ee Gobolada Dalka, iyagoo Maamulka Deni ee Garoowe uu diiday in laga hirgeliyo degaanada hoos yimaada..

War-saxafadeed kasoo baxay Maamulka Puntland qeybta Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Puntland ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi tahay mid dhaawaceysa nidaamka federaalka, islamarkaana baalmaraysa awoodaha dastuuriga ah ee Maamul-goboleedyada, iyagoo welwel ka muujiyay Kulanka dhex maray Hey’adaha Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), kuwaasoo ku saabsanaa soo jeedin ah in la mideeyo diiwaangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs) isla markaana gargaarka bani’aadantinimo lagu xiro nidaamyo diiwaangelin oo heer federaal ah.

Maamulka Garoowe ayaa sheegtay in isku dayga lagu hoos keenayo diiwaangelinta IDPs nidaam federaal ah uu yahay mid aan la aqbali karin, maadaama Maamulka Dadka iyo gargaarkooda uu si buuxda uga mid yahay awoodaha dowlad-goboleedyada.

369430cookie-checkMaamulka Garoowe Oo ka Horyimid Qorshe lagu Mideynaayo Diwaagelinta Barakacayaasha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *