Maamulka Somaliland Oo Ka Qoomameeyay Heshiisyo ay la Galeen Dowladda Federaalka..

Africa News Somalia news

Warar ayaa laga helayaa Heshiisyo horey ay Maamulka Gooni goosadka Somaliland ula galeen Dowlada Federaalka ku a aadan Maareynta Hawada, Xajka, Saamiga Deeqaha, Waxbarashada iyo kuwa Gargaarka, waxeyna ku andacoodern iney helaan qeyb yar oo ka mid ah wixii ay u baahnaayeen..

Waxey sheegeen Howladeeno Degaankaasi ka soo jeeda in go’aanka ay Dowlada Federaalka ku xakameyneyso Hawada iyo Dhinacyada loo arkay mid xoojineysa inuusan Maamulka Somaliland aheyn dal Madaxbanaan, Qoomamada Maamulka Muuse Biixi ee Go’aanka Dowlada Federaalka ayaa kadhashay heshiiskii 1-da January ee Sanadkaan kula saxiixday Ethiopia inuu 12-Mayl oo xeeb ah siiyo Ethiopia.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada & Sirdoonka Ethiopia ayaa tagey Hargeysa maalmihii tagay, waxaana ay la kulmeen Madaxweyne Muuse Biixi, oo ay kala hadleen iskaashiga labada dhinac & fulinta Is afgaradkii lasoo gaaray, qaarkood ayaa tagay Berbera iyo Degaano ku dhow xeebaha Berbera iyo Lughaya.

Warsidaha Diinah.com news ayaa loo sheegay in maalmo kadib Wafdi ka socda Somaliland ay tagi doonaan Addis Ababa, sidaas oo kalena ay Hargeysa tagi doonaan wafuud Ethiopian ah oo Wasiiro ay ku jiraan, iyadoo la qorsheynayo saxiixa rasmiga ah ee heshiisyo kale oo dhexmara labada dhinac ee Addis & Hargeysa.

303640cookie-checkMaamulka Somaliland Oo Ka Qoomameeyay Heshiisyo ay la Galeen Dowladda Federaalka..