Maamulka Hargeysa Ganafka Ku Dhuftay Doorashada

Somalia news

Maamulka Somaliland ayaa si adag uga soo horjeystay dadaalo ay dowladda Somalia ku dooneysay in doorashooyinka dalka la gaarsiiyo degaanada Somaliland, waxeyna sheegeen in talaabadaasi ay u muuqata riyo-maalmeed…

Wasiirka arrimaha dibedda ee Maamulka Hargeysa Mr.Yaasiin Fartoon ayaa sheegay in marnaba aan Somaliland laga qaban karin doorasho ay waddo Somalia, isagoona eedeymo culus u jeediyay xubnaha Somaliland kasoo jeeda ee ku sugan Muqdisho.

“Waa edeb-darro iyo gef in Rag Somalia jooga ay si khaldan uga hadlaan Somaliland iyo arrimaheeda, Somaliland Doorashadeeda iyo waxay qabsanayso iyada ayey u taallaa, Doorashooyinka Soomaaliya lagu qabanayaana wax haba yaraatee Somaliland ka khuseeyaa ma jiraan” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Wuxuuna intaas kusii daray “Somalia- Somaliland shuqul kuma leh, kuwa doonaya inay Somalia wax ka noqdaan ee Somaliland dhalasho ahaan kasoo jeeda nama matalaan ee waa Rag shaqo tagay, waxay ka qabsanayaana iyaga ayey jirtaa, laakiin Ragga Somaliland ka soo jeeda ee Soomaaliya u shaqo tagay ma matalaan, magaceegana kuma hadli karaan”.

38820cookie-checkMaamulka Hargeysa Ganafka Ku Dhuftay Doorashada