Maamulka Lafta Gareen Oo Lagu Eedeeyay Barakicinta Shacbiga Baydhabo

Somalia news

Xog-uruurin ku aadan xuska Asaaska Maamulka Dowlad Goboleedka Konfur galbeed oo sanad guraadii 3-aad ay ka soo wareegay ayaa muujineysa in Su’aalo badan laga keenay Hogaanka Mr.Lafta gareen, iyadoo gebi ahaan Magaalada la sheegay in la xiray dhaqdhaqaaqa socodka Shacbiga…

Waxaana farta lagu goday heerka uu ka gaaray Maamulka Lafta gareen dhinacyada Amaanka, horumarinta Dhaqaalaha, Bulshada, Caafimaadka horumarinta Biyaha iyo Go’doon ka saarida Degmooyin badan oo ay ku hareereysan yihiin Kooxaha argagixisada halka kuwo kale ay toos u maamulaan.

Maamulka Lafta gareen Oo kaashanaaya Ciidamada Ethiopia Qeybta ku howlgasha Magaca Amisom ayaa caburin, xariga sharci darro ah iyo afduubyo si hoose uga Wada gudaha Magaalada Baydhabo, iyadoo ay soo shaac baxaayaan warbixino la xiriira in Dadka Rayidka ah ka qaxaayaan Magaalada Baydhabo kadib markii Maamulka Lafta gareen uu cadaadis ku saaray ayna ugu biirin Gaajo iyo Amaan La’aan.

156930cookie-checkMaamulka Lafta Gareen Oo Lagu Eedeeyay Barakicinta Shacbiga Baydhabo