Deni Oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Midowga Musharixiinta

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhaba ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in M.Siciid Deni ayaa ka digay abaabul sida sheegay ay wadaan Midowga Murashixiinta Muqdisho oo ku wajahan in la dhiso Gole Siyaasadeed, kaasoo Maalmihii ugu dambeeyay Wada tashiyo la xiriira la waday..

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa sheegay in aysan jirin dhinac looga wareegi karo Doorashada socota, islamarkaana ay tahay in la saxo wixii ka qaldan Doorashadaas, hadalkaan ayaa u muuqday mid si toos ah loogu diray Ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo maalmahaan kulamo Wada Tashi ah ka wada Magaalada Mogadishu.

Dadka marmar dhahaya: Nidaamkan ha la iska daayo oo Golayaal hala sameeyo waa dad raba in ay Teendhadii Carta dalkan ku celiyaan waana Khatar. Fikirkaas anigu wan ka digayaa” ayuu yiri Siciid Deni.

Hadalkaan ayuu xalay ka jeediyay, munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen.

156900cookie-checkDeni Oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Midowga Musharixiinta