Maamulka Nairobi Oo Hakiyay Wada hadaladii Ganacsiga Somalia

Somalia news

Maamulka Uhuruu ee Dalka Kenya ayaa sheegay iney hakiyeen Wada hadaladii dhanka Ganacsiga ay la lahaayeen Dowlada Federaalka, iyagoo ku sababeeyay in xiligaan ay isku diyaarinayaan Doorasho dhacda Dhamaadka Sanadkaan iyo horaanta sanadka dambe….

Talaabadaan ayaa Lagu wadaa iney ku qasabto Beeraleyda iyo ganacsatada Qaadka Miraa ee dalka Kenya inay sugaan waqti dheer inta laga qaadayo xanibaada Qaadka ay u dhoofin jireen Soomaaliya. Waxay arrintan ku qaadan kartaa  tan iyo xilliga doorashada kadib oo dib loo furidoono howlihii diblumaasiyadeed.

Sida laga soo xigtay madaxweyne ku xigeenka dalka Keyna William Ruto, Kenya hoos ayay u dhigtay wadahadalada ay kula jirto Soomaaliya tan iyo inta hogaamiyaasheeda ay diirada saarayaan doorashooyinka la qorsheeyay dabayaaqada Sanadkaan 2020 iyo Bisha 2-aad Ee Sanadka soo socda 2021.

Waxaa jiray xoogaa isfaham la’aan ah oo kadhex jirtay Kenya iyo Soomaaliya arinta badda. Waxay joojiyeen Qaadkeenna. Waxaan ku jirnaa wadahadallo aan ku kala saarayno labada arrimood laakiin doorashada ayaa gaabis ku ah hawsha. Waxaan rajeyneynaa markey doorashadu dhammaato, waxaan awoodi doonnaa inaan soo gabagabeyno wadahadallada ku saabsan dib u soo celinta ganacsiga, ”ayuu yiri Dr Ruto.

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in bishii la soo dhaafay, Soomaaliya ay soo saartay liiska shan dalab oo ay tahay inay Kenya fuliso ka hor inta aysan dib u bilaabin ganacsiga miirowga.

59620cookie-checkMaamulka Nairobi Oo Hakiyay Wada hadaladii Ganacsiga Somalia