Qatar Oo u Kala Dan Qaadeyaa Farmaajo & Kheyre

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Maamulka Dooxa ay Maalimihii ugu dambeeyay waday dadaalo ay ku heshiisiineyso Farmaajo Fashilmay iyo Mid ka mid Midowga Musharixiinta oo muddo bilooyin ah ku sugan Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, iyadoo looga yeeray Magaalada Dooxa..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay, in Xubno ka tirsan Xafiiska Amiirka Qatar ay bilihii ugu dambeeyay ay wadeen dadaalo dib loogu heshiisiinaayo Farmaajo iyo Khayre, kadib markii ay u arkeen in Mr.Rooble uusan diyaar u aheyn inuu madiidin u noqdo Farmaajo & Fahad.

Wararka ayaa sheegay in Xiligaan Magaalada Dooxa ay ku wada sugan yihiin Farmaajo iyo afadiisa (Seynab) iyo Khayre, waxaana la sheegay iney Saraakiisha Xafiiska Amiirka la wada kulmeen Dhinacyadaan iyagoo hordhigay Heshiis Qabyo ah si Doorashada meel looga soo wada jeesto, isla markaasna uu Kheyre ku dhawaaqo inuu ka baxay Golaha Midowga Musharixiinta.

Talaabadaan ayaa u muuqata mid Fariin loogu diraayo Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Rooble in Maamulka Qatar aysan xiligaan diyaar u aheyn iney dhaqaale ku taageeraan xubnahaan, waxaana laga yabaa in xiisado ay ka dhalato, iyadoo xiligaan Dalalka Sacuudiga iyo UEA ay saameyntooda Somalia laga tabay.

153550cookie-checkQatar Oo u Kala Dan Qaadeyaa Farmaajo & Kheyre