Share the post "Maamulka Puntland oo Beelaha Gobolka Bari u Abaabulaysa Dagaalka Wajiyada Badan.."
Wararka naga soo gaaraya Degaanada Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in Maamulka Deni uu bilaabay abaabulka iyo hubeynta Beelaha ku dhaqan Gobolka Bari, gaar ahaan dhulka ku teedsan Degaanka Buurta Calmiskaad, si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah ururka Daacishta Somalia…
Xuuraanada la helaayo ayaa daaha ka qaadaya in Beelaha ku nool tuulooyinka bariga fog ee Gobolka Bari ayaa la sheegay inay saamayn ku yeelatay joogitaanka iyo galaangalka Kooxda Argagixisada Daacish ee Degaannada qaarkood, iyadoo Howlwadeenada Maamulka Dani ay bilaabeen kulamo looga xaajoonaayo Doorka ay ku yeelan karaan Beelaha inkastoo Beelaha qaarkood xurguf kala dhaxeysa Maamulka Deni.
Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Maamulka Deni ay ku adkaatay inay xog ka helaan Degaanada kooxda argagixisada Daacishtu ku sugan yihiin, Dhawaan weerarkii ka dhacay tuulada Dharjaale ayaa muujiyay fashilka sirdoon ee Xoogaga Amaanka Puntland, iyadoo Kooxdii weerarka geysatay ayaa la ogaaday inay soo jareen boqolaal Kiilo Mitir, soona mareen dhowr tuulo oo ay Dadka reer miyi ah degen yihiin.