Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Xisbiyada Mucaaradka

Somalia news

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa maanta shir degdeg ah ku leh Hotelka Jazeera, iyagoo kaga arrinsanaya xaalado soo kordhay, wixii ka dambeeyay shirkoodii todobaadkii hore, gaar ahaan hadalkii hanjabaada xambaarsanaa Ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho…

Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta ay qorsheynayaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay ka bilaabaan Muqdisho sida bannaanbaxyo iyo shirar ballaaran oo ka dhan ah dowladda Federaalka, talaabadaan u arka mid lagu soo jiidaanaayo Shacbiga Muqdisho, isla markaasna horseedi kara iney dhistsan Guddiyo Doorasho oo ka madax banaan kan Maamulka Fashilmay ee Farmaajo.

75690cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Xisbiyada Mucaaradka