Maamulka Villa Somalia Oo Loogu Baaqay iney Taageerto Heshiiska Jubbaland

Politics

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ugu digtay Maamulka Villa Somalia inay qoraal Soo dhoweyn ah  ka soo saaraan heshiiskii Madaxweyne Axmad Madoobe iyo madaxdii Mucaaradka oo ay hogaaminayeen Cabdinasir Seeraan iyo Cabdirashidd Xidig….

Heshiiskaan lagu kala saxiixday magalaada Nairobi ayaa waxa durbadiiba soo dhaweeyay Wakiilada beesha caalamka, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay qoraal taageero ah  ka soo saaraan heshiiskaas. Farmaajo ayaa u arkay Heshiiska Nairobi in uu yahay mid ka soo horjeedo danahiisa gaarka ah  iyo mida beesha uu ka dhashay.

Mr.Farmaajo ayaan wali ka quusan inuu si aan gabasho lahaynin uga horyimaado heshiiskaas laakiin waa ay ku adkaan doontaa in uu qoraal toos ah oo ku diidan yahay heshiiska madaxda Jubbaland ay Maamulkiisa soo saaraan.

Madaama Mr.Farmaajo  uu ku fashilmay in uu si toos ah uga horyimaado heshiiska Jubbaland, waxa uu shalay iyo maanta dhaqaale badan ku bixiyay in kooxaha dadka uga caayo baraha bulshada ay qaadaan olole looga soo horjeedo heshiiskaas, waxa aadna ku arkaysaa baraha bulshada kooxii isaga u shaqeeynayay oo dacaayad dagaal ka wada baraha bulshada.

Sidoo kale waxa uu qadka taleefanka kula hadlay qaar ka mida mucaaradka Axmad Madoobe kuwaas oo lagu amray in ay wareeysiyo ay uga soo horjeedaan heshiiska Nairobi  siiyaan idaacaha iyo taleefishinada dalka.  Waxaa nasiib xumo ah in kooxaha uu dagaalka galiyay  ayan isweydiinin sababta ay dowlada Farmaajo uga hadli la’dahay heshiiskaas inta aan iyaga loo isticmaalin in lagula dagaalo Axmad Madoobe.

29790cookie-checkMaamulka Villa Somalia Oo Loogu Baaqay iney Taageerto Heshiiska Jubbaland