Qeybta Canshuuraha Oo Ku Dhegan Agab Ciidan…

Politics

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya Gaadiid iyo Agab Ciidan oo Muddo ka badan Todobaad ah ku xayiran garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho oo ay leedahay Dowladda Talyaaniga…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in agab kaan Ciidan iyo saanadaba waxaa ku dhegan oo heysta Waaxda Canshuuraha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Iyadoo lagu sababeeyay in Maamulka Roma ay diideen in ay Bixiyaan Cabshuur, maxaa yeelay Waa Gurmad samafal, dhanka Kale Saraakiisha Talyaaniga ayaa sheegay ” Iney u Dowlada u tababaraan Ciidamada Amaanka (Boliiska), mana jirto sabab agabka Ciidan looga qaado Canshuur.

Ciiadamada Markeykanka iyo Amisom ayaan laga Qaadin Canshur, xitaa Hoteekada iyo Ganacsiga Xerada Xalane ayaa si fudud looga macaasha ganacsiyada kale duwan ee Xalane.
Ilaa hadda ma jirto war kasoo baxay Dhanka Waaxda Canshuuraadka Ee Madaarka Caalamiga Muqdisho oo ay arintaan kaga hadlayaan.

22370cookie-checkQeybta Canshuuraha Oo Ku Dhegan Agab Ciidan…