Kadib culeysyo oo ka yimid Villa Somalia ayaa la sheegay Wasiirka Warfaafinta Mr. Maxamed Cabdi Xayir (Hub-Qaad) ayaa lagu faray inuu C/fataax Daahir Jeyte u magacaabay inuu noqdo Maareeyaha Wakaaladda Badbacada Qaranka Soomaaliyeed….
Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Cabdifataax DaahirJeyte uu Buuxiyay Booskii uu ka geeriyooday Marxuum Axmed Faarax Gaatamow.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka Warfaafinta Dhaqanka, ayaa faray Agaasimayaasha iyo Madaxda waaxeeydyada qeybaha Wakaalada iyo Wakiilada Madbacadaha Gaarka inay la shaqeeyaan Maareeyaha cusub, si uu u guto waajibaadka shaqo ee horyaala.
C/fataax Daahir jeyte ayaa horey u soo noqday agaasimaha RadioMuqdisho, isagoo sidoo kale ka soo shaqeeyay Qeybo kale duwan kaana soo qabtay xilal warbaahinta Dowlada.