Digniino Laga Soo Saaray Faafitaanka Cudurka Ebolaha ee Dalka Uganda

Africa News

Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurka Ebola ee ka dilaacay Uganda la ogaaday goor dambe, Baaritaano hordhac ah ayaa sheegaya in astaamaha ay bukaanada ku soo baxeen bishii August balse aanan isla markiiba horay laga ogaanin…

Wararka ayaa sheegay in ugu yaraan 33 qof ayaa ilaa hadda laga helay cudurka Ebola, kaasoo ay ugu dhinteen dalkaas afar qof, waxaana laga cabsi qabaa inuu si xowli ah u faafo, Dalka Uganda waxaa hore uga dillaacay cudurka Ebola, cudurkan oo kumanaan qof ku dilay Afrika oo dhan tan iyo markii ugu horreysay ee laga helay 1976-kii Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Emma Ainebyona, oo ah afhayeen u hadashay wasaaradda caafimaadka, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP xakamaynta safarka ee shaqada aan muhiimka ahayn ee degmada Mubende, oo ah xudunta u ah cudurkan, la soo rogay.

Maamulka Caafimaadka ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in nin 24 jir ah uu noqday qofkii 4aad ee u dhintay cudurka Ebola, waana markii ugu horreysay oo tani ay dhacdo tan iyo sanadkii 2019-kii.

216210cookie-checkDigniino Laga Soo Saaray Faafitaanka Cudurka Ebolaha ee Dalka Uganda
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com