Share the post "Madaxa Warbaahinta Madaxtooyada Oo Lagu Eedeeyay inuu Hanjabaado u diray Wariyayaal"
Maalin kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibeda USA uu soo saaray Qoraal hanjabaad dal kugal xambaarsan lagu soo rogaayo Farmaajo & Qaswadayasha ku dhow ee lagu eedeeyay iney hortaagan yihiin Geedi socodka doorashada, Dhibaateynta Wariyayaasha, Bulshada Rayidka iyo Mucaaradka…
Waxaa soo shaac baxaaya in Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada uu hormuud u yahay Olole Online-ka oo loogu diraayo Virus-yo & loogu cagajugleynaayo Qeybaha ka aragtida duwan Villa Somalia, Waxaana ka mid ah wariyayaal caan oo ka howlgala Bbc-da & VOA, Farhaan Jucmaale, Harun Macruuf & Yabarow.


Amnesty International ayaa horey Madaxtooyada Somalia ugu eedeysay Kooxo kormeerayaal a Online-ka ah oo ku xadgudba Wariyayaasha iyo kuwa ka aragtida duwan, iyagoo si abaabulan warar been ah oo dacwado u gudbiya Hey’adaha Maamula Baraha Bulshada ( Facebook, Twitter iyo kuwo kale) si loo xiro Accounada ay leeyihiin loona aamusiyo codadka Wabaahinta dhaliilsan Maamulka Farmaajo.