Guudlaawe Oo Laba Dhagax Dhexdood Galay

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in Mr.Cali Guudlaawe oo Madaxweyne muranka badan hareeysay doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar ayaa hadda dhex ka taagan laba dhagax dhexdood, taasoo sababi karta inuu ku qamaaro mustaqbalkiisa siyaasadeed, maadaama uu xiriir dhow la leeyahay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Qaar ka mid ah Musharixiinta madaxweyne ee ku heybta ah ayaa madaxweyne Cali Guudlaawe ku cadaadinayaa inuu qaadaco amarkii Madaxtooyada Villa Somalia Ee ahaa in Doorashada uu guda galo gaar ahaan tan Aqalka Sare, waxaana Talaabadaasi ka biyo diiday Musharixiinta Mucaaradka iyo inta badan Odayaasha Dhaqanka.

Waxeyna kula taliyeen inuusan ku deg degin Arrimaha Doorashada inta xal laga gaaraayo khilaafka jira, Sidoo kale Mr.Cali Guudlaawe ayaa culeys siyaasadeed oo xooggan ka heysto maamulkiisa gaar ahaan reer Hiiraan oo diiday inuu Kursiga ku fariisto, maadama uu ku yimid Doorasho boob ah, taasoo aan weli lagu guuleysan xalinteeda.

Mr.Guudlaawe ayaa Magaalad Muqdisho kula kulmay Mas’uuliyiin ka kala tirsan Maamulka Farmaajo iyo Xisbiyada Mucaaradka, kuwaasoo uu kala hadlay Khilaafaadka jira sida tabashada Guddiyada Doorashada ee lagu muransan yahay.

86610cookie-checkGuudlaawe Oo Laba Dhagax Dhexdood Galay