Ma Dhabaa in Villa Somalia ay Dadaal Gelineyso iney Wada hadal la Furto Maamulka Puntland..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Hogaanka xiligaan ee Villa Somalia uu dadaal balaaran ku bixinaayo in ay si deg deg ah wada-hadal ula furaan Maamulka Puntland ee muddo xileedkiisu gabasbsiga yahay, iyadoo muddo sanad ah uu jiitamaayo Khikaafka shaqsiga ah ee u dhaxeeya Xasan Sheekh & Saciid Dani…

Hogaanka Villa Somalia ayaa si weyn uga walaacsan hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiirka Maaliyadda Puntland, kaasoo ahaa in la hakiyo hannaanka deyn cafinta Dalka, inta laga heshiinayo khilaafaadka siyaasadeed, talaabadaan oo u muuqata isbaaro Siyaasadeed, sababina karta in Howlihii Deyn cafintu uu burburo.

Xasan Sheekh iyo Xamse ayaa bilaabay iney xiriir la sameeyaan dhinacyo kala duwan oo saamayn ku leh siyaasadda Puntland, si ay ugu kala dab-qaadan Puntland iyo Villa Somalia, si looga baaqsado in uu fashilmo barnaamijka deyn cafinta Dalka, inkastoo dadaalaasi ay weli gaabis u muuqdaan.

Dhinaca kale, Maamulka Dani eePuntland oo marar kala duwan sheegteen iney diyaar u yihiin wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka taagan, waxaase la rumaysan yahay in xiriirkoodu uu heerkii ugu liitay joogo, kaasoo saamayn ku yeeshay wada-shaqayntii labada dhinac iyo iyadoo Khilaaf kale oo Dhanka Doorashada weli ka taagan yahay gudaha Maamul Goboleedka kaasoo horseeday in khikaafka uu sababay in Dhiig badan la daadiyo.

263730cookie-checkMa Dhabaa in Villa Somalia ay Dadaal Gelineyso iney Wada hadal la Furto Maamulka Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com