QM Oo Baaris Ku Heysa Markab Turkish Ah Oo Lagu arkay Xeebaha Somalia

Somalia news

Guddiga khubarada QM ee qaabilsan Somalia, kuwaasoo kormeera hubka sharci-darrada ah ee lasoo geliyo dalka, ayaa sheegay iney baarayaan warar la xiriira markab Turkish ah oo lagu arkay xeebta aag ay maamusho Kooxda Shabaabka, bishii August 2021, sida uu qoray Wargeyska Nordic Monitor oo helay caddeymo muujinaya arrintan…

Markabka oo ay leedahay islamarkaana maamushoa shirkadda Mavi Deniz Taşımacılığı ve Sanayi Ticaret Limited Şirketi, ee fadhigeedu yahay Istanbul, ayaa muddo 24 saac ah ku sugnaa meel kaliya 1000-meter ama hal km u jirta xeebta aag maamusho Al-Shabaab, sida laga ogaaday qalabka ku xiran markabka ee sheega halka uu ku sugan yahay ee loo yaqaan (AIS), “Aagaas ma ahan meel ay maamulaan Ciidamada Amniga Somalia, waana meel ay Kooxda Shabaabka maamusho, waxaa loo yaqaan Cali Gaudud, oo u dhow Cadale,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay baarayaasha QM.

Sida muuqata, shakiga ayaa ka dhashay sababta markab uu muddo 24 saac ah ugu sugnaa aag ay maamusho Kooxda argagixisada, waxaana ka dhashay tuhun ah in laga yaabo inuu hub u geeyey kooxda, Milkiilayaasha markabka ayaa sheegay inay weerar kula kulmeen xeebaha Somalia 13-kii August 2021, islamarkaana lagu soo rogay qorayga sabanka ama RPG iyo rasaas yaryar, sida laga soo xigtay kabtanka markabka.

Baarayaasha QM waxay warqad rasmi ah u direen shirkadda Turkish-ka ee leh markabka, iyagoo ka dalbaday caddeymo ku saabsan la xiriira sabababta uu markabka ugu xirtay biyo aad ugu dhow meel ay maamusho Kooxdaan iyo xog dheeri ah oo ku saabsan weerarka ay sheegeen in lagu qaaday, Shirkadda ayaan kasoo jawaabin su’aalihii baarayaasha QM, waxaana warbixinta loo gudbiyey Golaha Ammaanka QM, 6-dii October 2021.

Sida ku cad xogta diiwaan-ka, markabka ayaa waxaa leh qoyska ninka ganacsade Turkish ah oo lagu magacaabo Erdal Tümsek.

167170cookie-checkQM Oo Baaris Ku Heysa Markab Turkish Ah Oo Lagu arkay Xeebaha Somalia