Warbixino welwel xambaarsan ayaa laga soo Sheegaya Qeybaha kala duwan Ciidamada Dowladda Federaalka iney ka dhex jiraan xasarado iyo kala qeybin ay ku hayaan Taliyayaashooda, taasoo horseeday kala qeybsanaantaan iyo takoor, waxaana aad looga dareemay Talisyada Xooga Dalka, Boliiska iyo NISA, iyadoo amaradaani ay curyaamiyeen Howlmaalmeedka Ciidamada Dowladda…
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha iyo Ciidamada qaarkood la faquuqay halka kuwo kale la sheegay in lagu riixay iney ku biiraan Beelaha ay ka soo jeedaan, Talaabadaan oo wax u dhimaysa howshiisii koowaad ee ay ahayd la-dagaalanka Kooxaha argagixisada Shabab iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed.
Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.con news u xaqiijiyay in ilaa 400 oo Saraakiil iyo Dabley oo ka mid ahaa Ciidamo (NISA) 600 gaarayay uu amar uu ku bixiyay Adeege Fahad Yaasiin inay ka qeyb galaan dagaalada Waqooyiga iyo Konfurta Caasimadda ka socday Maalmihii ugu dambeeyay, Ciidamadaan ayaa iska diiday amarkaaas.
Maxaa Dhacay:-
Adeege Fahad Yaasin ayaa isugu yeeray Saraakiishaan iyo Ciidamada NISA wuxuuna ku wargeliyay iney soo wareejiyaan Hubka, Rasaasta iyo Aqoonsiyada Hey’adda NISA (ID Cards).
Hubkaan ayaa lagu wadaa in loo qeybiyo Kooxaha argagixisada Shababka, Waana ayaan darro Ciidamada Amaanka loo adeegsado xaqiijinta ujeedooyin Siyaasadeed waana wax aan la aqbali karin.
Dhanka kale Horjooge Cabdullahi Kulane (Jiis-Mareexaan) oo Dalka Djibouti u safray,ayaa laba warar kasoo baxayaan safarkiisa, In lagu xiray Dalkaasi isla markaasna uu dhaawac yahay iyo In dib loogu soo celiyay Magaalada Mogadishu.