Maxaa Kaaga Baxay Warkii Barkiciyaha Bulshada Caasimadda

Somalia news

Warkii xalay ka soo yeeray Horjoogaha Villa ( Barakiciyaha Bulshada) Somalia, ayaa u muuqatay mid ku dhisan Ismoogaysiis iyo ila meerayso. Nasibal darro kuma soo hadalqaadin dhibaatada, dagaalada iyo Barakaca xiligaan ka taagan Caasimada Muqdisho iyo qalalaasaha siyaasadeed ee uu horseeday amnigii Caasimadda oo faraha ka baxay….

Farmaajo isagaa ka soo cararay Teendhada Afisioni, kadibna 2-sano oo sharci darro ah ay u meel mariyeen Cantoobo Xildhibaano ah (57-xubnood), wuxuuna dagaal ku qaaday Degaanada Mas’uuliyiinta Midowga Musharixiinta taasoo Sababtay iney dad rayid ah ku geeriyoodeen kuwo kale ka barakacaan Guryahooda xilli lagu guda jiro Bil Ramadan, caqli-xumadiisa ayuu hadana sheegay inuu Xildhibaanadii u noqonaaya, Talaabadaasi wax macno ah oo ay ku soo kordhineyso Xaalada Caasimadda ka taagan xiligaan ma jiraan ( Shimbirayahow heesa).

Barakiciyaha Wuxuu iska indhatiray fidnada uu ka dhex abuuray ciidamada qalabka, isagoo kala qaybiyay kadibna qoryo isugu dhiibay. Mana jiro maanta askari askari kale aaminaya iyo sarkaal laga amar qaadanayo, qof walibana wuxuu miciin bidday qorigiisa iyo qabiilkiisa.

Sidoo kale ma sheegin sida xal loogu heli karo ismariwaaga siyaasadeed ee maanta taagan, kumana baaqin Tanaasul, wadatashi iyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo dalka lagu samatabixinayo, halka Wasiirka1-aad Ee Xil Gaarsiinta uu ka gaabiyay Bulshada uu ku matelo Xilka uu hayo inuu ku raali geliyo dhibaatada uu ku hayo Horjooge (Barakiciye) Shacbiga.

Isku soo wada duuboo ujeedka Farmaajo (Barakiciyaha) wuxuu ahaa ii dheh siyaasadeed uu waqti ku iibsanayo si uu diyaar garoobo, isagoo weli wada daadgureynta Ciidamada Ee Gobolada Dalka, wuxuuna doonaya inuu isaga yareeyo culeyska iyo caadiska ciidan ee dulsaaran iyo goodiska beesha caalamka ku hayso.

Ugu dambeyntii, Balanta Afurka Ee caawa Ee Rooble (Lahelow)+ Qorqor, Guudlaawe iyo Midowga Musharixiinta, waxba kuma soo kordhin doonaan Xiisada taagan, waxaan ku baaqayaa Xoogaga Hubeysan ee Mucaaradka inaan heeganka laga bixin inta Horjoigahaan jid iyo jiho diidka ah dalka iyo dadka laga badbaadinayo, Lagana hubiynayo in dalku doorasho aado la’aantiis.

115110cookie-checkMaxaa Kaaga Baxay Warkii Barkiciyaha Bulshada Caasimadda