Taliska AFRICOM oo Weydiistay Dhaqaale dhan 125-Millions US$ Isku Fidinta Howlgalka Somalia

Africa News Somalia news

Taliska Ciidamada USA ee Qaarada Africa (AFRICOM), ayaa dalbaday dhaqaale dheeraad ah si ay ugu maalgeliyaan “Joogitaan dheeraad ah Dalka Somalia”, sida laga soo xigtay Warsidaha Defence News, iyadoo soo xiganeysa Qoraalo sir ah oo Taliskaasi u diray Wasaarada Gaashandhigga Dowladda Mareykanka..

Warbixintaan ayaa intaasi raacisay in Codsigaan loo gudbiyay Golaha Congress-ka Mareykanka, iyagoo dhaqaalahaan la sheegay in qiimeyn lagu sameyn doono 3-dii bilood mar isla markaasna ay salka ku heyso heerarka howlagalada Ciidamada USA ee ku sugan Dalka Somalia, waxaana la sheegay in 42-Millions US$ loogu talo galay dib u dayactirka Garoon Diyaaradeed, halka 43-Millions US$ loogu hagaajin doono Aaga taageerada Nolosha Ciidamada sidoo kale 11-Millions US$ ayaa la wariyay in lagu hormarinaayo Isgaarsiinta Ciidamada.

Dhaqaalahaan ayaa la xusay iney kaalin muuqata ka qaadan doonto sidii hoos loogu dhigi lahaa khataraha ka imaanaaya kooxaha Argagixisada Shababka iyo Daacish-ta ee xaqiijinta xoriyadda socodka marin-biyoodka “Bab al Mandab” iyo ka hortaga is balaarinta Dalalka China iyo Russia, Dhawaaqaan ayaa soo shaac baxay xili dhawaan Aqalka Congress-ka uu diiday Qaraar ku baaqaya in Ciidamada Mareykanka laga saaro Somalia.

255190cookie-checkTaliska AFRICOM oo Weydiistay Dhaqaale dhan 125-Millions US$ Isku Fidinta Howlgalka Somalia