Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Ku Kulmaaya Garoowe

Somalia news

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in ay todobaadka dambe shir ku yeelan doonaan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland..

Shirka Garoowe ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo inta u dhaxeysa 21 ilaa 23 bishaan September, Kulankaan ayaa diiradda lagu saari doonaa dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka, Khilaafka Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Ra’isul wasaaraha iyo guud ahaan xaaladda Somalia.

“Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan magaalada Garoowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka” ayaa lagu yiri war-saxaafeed wadajir ah oo ka soo baxay dowlad goboleedyada.

Shirka ay iclaamiyeen madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha federaalka, kaas oo laga cabsi qabo in uu dib u dhac ku keeno doorashada.

141110cookie-checkMadaxda Dowlad Goboleedyada Oo Ku Kulmaaya Garoowe