Barakacayaal Loo Waday Goob Diiwaangelin ee Puntland Oo la Qabtay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ay ku qabteen degaanka Dangorayo Laba Gaari oo nooca waaraadka ah oo siday Tiro badan oo Barakacayaal ah lagana soo daabulay magaalada Garoowe..

Wararka ayaa sheegay in Dadkaan oo tiradoodu kor u dhaafayaan 200-Qof, kuwaasoo loo waday degaanka Beyla halkaasoo loo qorsheeyay in laga diiwaangeliyo si loogu shubto Doorashada, waxaana abaabulka Dadkaan dhaqaale ku bixiyay Madaxda Caafimaad (Maxamed Cali Nuur Jubba).

Jubba ayaa la sheegay in muddo ka tirsanaa Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa Barakacayaasha u adeegsanaayo iney Kaararkooda Kaalmada Gargaarka ee Cuntada iyo Lacagta ee ay bixintaan Hey’adaha Gargaarka iney iska soo diiwaan geliyaan goobo kale s codkooda loogu shubto.

Abaabulkaan diiwaan gelinta Barakacayaasha ayaa lagu eedeeyay Ururada Sincad iyo Kaah, kuwaadoo dhaqaale badan ku bixinaaya sidii loo boobi lahaa Doorashada bartamaha Sanadkaan lagu wado iney ka qabsoomto degaanada Puntland.

237150cookie-checkBarakacayaal Loo Waday Goob Diiwaangelin ee Puntland Oo la Qabtay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com