Guddiga Doorashada Oo Diiwaan-geliyay Musharixiin kor u dhaafaya 25-xubnood

Somalia news

In ka badan 25-Musharax ayaa Ku dhowaad ilaa hadda isu diiwaangeliyey doorashada xilka Madaxweynaha, iyagoo shahaadada musharaxnimo ka qaatay Guddiga doorashada ee Baarlamanka, waxaana weli harsan Saciid Dani & Farmaajo kuwaasoo galabta lagu wado iney qaataan Shahaadada…

Wararka ayaa sheegay in 25-kaan ay ku jirto Xildhibaanad ka soo jeeda Magaalada Hargeysa iyo Musharax Ridwaan & Laba Xildhibaan oo Beelaha Digil & Mirifle kuwaasoo Saami qeybsiga 4,5 ku qaatay Gudoomayaha Baarlamaanka waxyna kala yihiin:- Musharax Madaxweyne Prof. Cabdi Maxamed Kuusow iyo Musharax Madaxweyne Cabdi Aadan Hoosow oo maanta qaatay shahaadada diiwaan gelinta Musharaxnimo ayaa noqday labada Musharax kaliya ee ka soo jeeda Koofur Galbeed.

Haddaba waa xujo hortaal Midnimada ay sheegi jireen Xildhibaannada iyo Senatarada ka soo jeeda Koofur Galbeed haddii aysan labadan Musharax ee deegaanadooda ka soo jeeda codkooda ugu hiilin.

Musharixiinta Beelaha Hawiye ayaa la sheegay iney kor u dhaafayaan 16-Musharax waxeyna ifafaalaha muuqda suurto gelinayaan in laga faa’iideysan doono mowqif iyo midnimo la’aantooda sidii dhacday 2017-kii.

187820cookie-checkGuddiga Doorashada Oo Diiwaan-geliyay Musharixiin kor u dhaafaya 25-xubnood