Waxaa lagu wadaa in Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Halberd ayaa maanta soo gaaraan Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado inuu Xarunta Xalane ka furmi doono shirka wadtashiga Arrimaha Doorashada iyo Xalinta Khilaafka ku gedaaman….
Wararka ayaa sheegaya in dhinacyadu ay wataan ajandayaal kala duwan, kuwaasoo markale caqabad ku noqon kara in is faham laga gaaro hannaanka geedi-socodka ee doorashada, inkastoo ay Xiligaan ka duwan tahay kulamadii hore oo ka dhici jiray Madaxtooyada ama Xarumaha Gobolada qaarkood.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mr.Saciid Dani ayaa ka baaqday safarka Maanta ku tegi lahaa Magaalada Mogadishu, sababo la xiriira isku daba ridka Howlgalada amaanka iyo dib u habeynta Maamulka Gobolka Bari. Wuxuuna qorsheystay inuu maalinta Jimcaha soo gaaro Magaalada Mogadishu.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaase la fahamsan yahay in dhinacyada ku cadaadineyso in laga gudbo khilaafka ku horgudban in dalka uu doorasho aado, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu ka baaqsan doono ka qeyb galka shirka, isagoo soo wakiilan doono Wasiirka 1-aad Ee Dowladda xil gaarsinta.
Halka Warar kale ay sheegayaan in Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Konfur galbeed Uu culeys ku saaray Farmaajo iney ka baaqsadaan imaatinka Shirka, isagoo ku sugan Magaalada Istanbul Ee Turkiga, Arrimo Caafimaad awgeed, si shirka uu u baaqdo.