Ma Dhabaa In Laba Qodob U Hareyn Doono Kulanka Xalane

Somalia news

Hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa mar kale lagu wadaa iney ku kulmaan Teendhada Xalane, waxeyna yeelan doonaan Kulamo lagu gorfeynaayo xalinta is-faham waaga daba dheeraaday Ee ka taagan qabsoomida Doorasho dadban oo wada oggol ah, kuna dhacda 60-maalmood gudahood….

Kulankaan ayaa waxaa qabanqaabiyay Saaxiibada Somalia (Diblomaasiyiinta Shisheeye), iyadoo xiligaan lagu qabanaayo teendhada Xalane, waxaana amnigeeda sugaaya Ciidamada Amisom, iyadoo Madaxda qaarkeed ay ka door bideen Ajnabiga kuwa Soomaalida.

Ilo xogogaal Ayaa Warsidaha Diinah.com news xaqiijiyay in laba qodob uu hareyn doono Kulankaan kuwaasoo kala ah:-

-In La saxiixo Soo jeedintii Guddigii Farsamada Ee ku shiray Magaalada Baydhabo, waxaana qodobkaan gadaal ka riixaya Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday oo diidan in la furo Heshiiska isla markaasna laga doodo qodobo ay ka mid yihiin Amniga Codeynta.

-In Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday saxiixo Qoraal caddeynaaya in wakhtiga uu ka dhacay lana laalo wixii go’aan masiiri ah oo ay gaareen Laamaha fulinta iyo Sharci dejinta kadib dhamaadka muddo xileedkooda Dastuuriga ah.

Dib u dhaca Balse Halista Ka weyn:-

Maadama kala aragti duwanaanta dhinacyadaan ay cadahay, Waxaa la filayaa in dooduhu ay noqon doonaan kuwo aad u adag isla markaasna u baahnaan doona wakhti badan.

Prof.Kabire ayaa sheegay “in hadii dhexdhexaadinta Wakiilada Beesha Caalamka ay guuleysto, waxey talaabadaasi sahli doontaa in Kaalintii muuqata ka qaataan Xalinta Khilaafka Doorashada iyo arrimaha Ciidamada Gobolka Gedo oo xudun u ah Khilaafka jira.

Beesha Caalamka ayaa dhinaca kale la sheegay iney talaabadaan daaha gadaashiisa ka hagaan dhexdhexaadinta qeybaha Soomaalida ay ugu wacan tahay in garab ka mid ah uu ku doodaayo in aan meel looga dhicin madax banaanida Qaranka magac aan u jira balse aan Siyaasiyiinta ka heshiisin waayeen Arrimaha Doorashada iyo Xiisadaha Ciidamada Gobolka Gedo.

100530cookie-checkMa Dhabaa In Laba Qodob U Hareyn Doono Kulanka Xalane