Yuusuf Daba-geed Oo Loo Diiday Jowhar

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Odayaal iyo Dhalinyaro kasoo jeeda Beelaha degan Magaalada ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Kuxigeeynka Hirshabeele Yusuf dabageed uusan imaa karin Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka Hirshabeele….

Odayaasha, Waxgaradka iyo Dhalinyaradaan ayaa ku sababeeyay diidmadooda in Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe oo Beeshooda kasoo jeeda loo diiday inuu tago Beledweyne Dabageedna uu ku guuldarreeystay inuu xaalada dejiyo. Isla markaasna Mas’uuliyiinta la doortay ay ku shaqeeyaan Xarunta Beledweyne.

Maamulka Cusub ee Hirshabeele ayaa Qalalaaso Galay tan iyo Doorashadii Muranka Dhalisay ee ka dhacday Magaalada Jowhar oo wax ka badal lagu sameeyay Hanaanka Awood Qeybsiga waxaana Madaxweynaha maamulkaasi uu 6 jeer ku Hungoobay Safar uu ku tagi lahaa Magaalada Beledweyne oo ay ku suganyihiin Maleeshiyaad diidan tegistiisa Magaalada.

Dad badan ayaa is weydiinaya Hadii Yusuf dabageed laga hor istaago Magaalada Jowhar Beledweynena Ku laabo waayo in ay Ubadantahay in uu iska joogo Magaalada Muqdishu Isagoo ah Mas’uul dibaf joog ka ah Maamulka uu Xilka ka hayo sida Cali Guudlaawe.

77120cookie-checkYuusuf Daba-geed Oo Loo Diiday Jowhar