Madaxii Warfaafinta Madaxtooyada Oo Xilkii Iska Casilay & Sababta..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qoraal uu soo saaray Masnta Madaxii Warfaafinta Madaxtooyada Villa Somalia ayuu ku caddeeyay inuu iska casilay Xilka uu hayay, isagoo mahadcelin balaaran u jeediyay Madaxweynaha fursadii uu u siiyay inuu la shaqeeyo…

Qoraalka uu soo saaray Mr.Cabdulqaadir Cali Dige ayuu ku xusay “Maanta oo ay taariikhdu tahay 2’da Nofeembar 2024 waxa aan halkan ku soo gudbinayaa warqadda shaqo ka tegista xilka Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada (Villa Somalia) aniga oo Madaxwaynaha JFS uga mahad celinaya fursaddii uu ii siiyay in aan la shaqeeyo laba xilli oo xasaasi ahaa” ayuu ku yiri warqadda is casilaada.

Mr.Dige qoraalkiisa kuma caddeyn sababta rasmiga ah ee keentay inuu iska casilo xilkaan, waxaase warar hoose oo aan la xaqiijin ay sheegayaan in iscasiladiisa ay salka ku hayso khilaaf muddo dheer soo jiitamaayay oo kala dhexeey Afhayeenka madaxweynaha Somalia Cabdiraxmaan Xudeyf oo bilooyin kooban ka hor la magacaabay.

348350cookie-checkMadaxii Warfaafinta Madaxtooyada Oo Xilkii Iska Casilay & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com